Dhageyso: Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab Oo Shaaciyay Qabiiladda & Magacyadda Ragii Maanta Ay Toogteen.

0

Muqdisho(AGGM): Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka hadlay dil toogasho oo ay maanta  ku fuliyeen 3 ruux oo shacab ah kuwaasi oo ay ku eedeyeen inay yihiin basaasiin la shaqeyneysay Sirdoonka reer galbeedka,waxaanay sheegeen in raggaasi qirteen dambiyada lagu soo eedeyey.

Sida dhacda Alshabaab waxay warar been abuurka ka faafiyaan dadka ay qabtaan iyagoo u geysta jirdil baahsan taasi oo ku khasabta inay qirtaan wax aysan sameyn si jirdilka looga daayo,waxaana la aaminsan yahay in ragaasi aysan ahayn qaabka ay u dhiigeen kooxda Al-Qaacidada Alshabab.

Ugu dambeyntii Kooxda Argagixisada Alshabab waxay sheegeen in 3 nin ee maanta ay dileen uu laba ka mid ah adeer u ahaa madaxweynihii hore ee dawlada goboleedka Puntland,waxaana ay ku eedeyeen inuu la shaqeyn jirey ciidamada sirdoonka puntland iyo kuwa reer galbeedka.

Halkan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com