Top News: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Caddeysay Mowqifkeeda Ku Aadan Shirarka Iska Soo Horjeeda Ee Ka Socda Beydhabo

0

Muqdisho(AGGM):Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa war-murtiyadeed ay soo saartay waxa ay ku caddeeysay mowqifka dowladda ee ku wajahan shirarka iska soo horjeeda ee ka socanaya magaalada Beydhaba, iyadoo ku baaqday in wax walba wada xaajood lagu dhaameeyo.

War-murtiyeedka ayaa lagu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ay u xilsaarantahay taabagelinta arimaha Federaalka si waafaqsan shuruucda maamul u sameeynta gobollada iyo degmooyinka dalka iyo ka hortagga qalalaase siyaasadeed oo sababi kara iska hor’imaad bulsho.

“Magaalada Beydhabo waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday shirar xambaarsan fikrado iska soo horjeeda, kuwaasoo mid walba sheeganayo dhisidda maamul goboleed ay yeeshaan deegaannadaasi, hadaba xukuumaddu waxey welwel ka muujineysaa habka ay u socdaan shirarkaasi iyo dhibaatada ka imaankarta” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa caddeeysay mowqifka siyaasadeed ee dowlada Federaalka ee ku aadan qaabka loo marayo dhismaha maamul ay yeeshaan goboladaasi, iyadoo la tixgelinayo waaqiciga siyaasadeed ee ka jira deegaannadaasi.

iyadoo wasaarddu ugu baaqday dhamaan siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannadaasi iney ku baraarugsanaadaan maamul u sameeynta gobollada iyo degmooyinka si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumaddu dhowreyso heshiiskii magaalada Adis’ababa ee lagu ogolaaday dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Xukuumaddu waxey sheegtay iney beegsaneyso ku dhaqanka heshiiskii Adis’ababa iyadoo dhinaca kale tilmaantay in wixii tabasho ah ee ku saabsan heshiiskan ay diyaar u tahay iney gacan ka geysato.

Ugu dambeyn xukuumaddu waxey sheegtay iney gacan ka geysanayso dhismaha maamulka Sadexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, waxeyna wasaaraddu ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannadaasi iney ka fogaadaan wax kastoo dhalin kara xasilooni darro.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com