Dhageyso:AMISOM oo ka hadashay Ciidamo Ugaandha ay Soomaaliya u soo direeyso.

0

Muqdisho(AGGM): Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cornel Cali Aadan Xaamud oo la hadlayey Idaacada VOA ayaa sheegay in Ciidamada Dheeraadkaa ee ka imaanaya Dowladda Dalka Ugaandha aysan ka mid aheeyn Ciidamada AMISOM.

Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamadaan ay si toos ah ay u hoostagayaan QM oo ay ilaalinayaan  xaruumaha QM ee ay ku lee dahay dalka Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM cali Aaan Xaamud ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in Ciidamo intaan le eg ay Dowladda ugaandha ay u soo dirto Soomaaliya,asagoona sheegay in Arintaan ay ka imaankarto Weydiimo QM oo u aadan Ciidamada AMISOM ee Jooga Soomaaliya/

Hadalka Afhayeenka AMISOM ayaa Daba Socday,war Warbaahinta ay ka soo xigatay Cornel Baadhi Akuundha oo ah in Ciidamo gaaray 400 oo Askari ay Dowladda Ugaandha ay u soo Direyso Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Afhayeenka AMISOM

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com