Top News: Gabadhii Ugu Horeysay Oo Soomaali Ah Oo Ka Mid Noqotay Booliska Magaalada St. Paul Ee Dalka Mareykanka.

0

St. Paul (AGGM): Khadra Maxamed oo 21 ah oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa waxay kamid noqotay saraakiisha booliska magaalada St. Paul, ee dalka Mareykanka, taasi oo ka dhigaysa gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo heerkaasi ka gaarta dalka mareykanka.

Khadra waxay ka sheegtay xaflad lagu magacaabay iyada, in dalka Soomaaliya aysan ka dhicin in gabar Soomaaliyeed ay noqoto saraakiisha ugu sareysa ciidamada booliska.

Xaflad shalay gelinkii dambe ka dhacay magaaladaasi ayaa Khadra oo loo ogolaaday inay xirato xijaabka iyo astaanka ciidanka booliska dalkaasi, iyadoo sarakiisha kamid ah.

Waxay sheegtay inay aad u jeceshahay inay door weyn ka ciyaarto shaqada loo dhiibay ayna caawiso haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi Mareykanka gaar ahaan magaalada St. Paul.

Bishii December sanadkii lasoo dhaafay waaxda booliska ee Edmonton ayaa ansixayay in saraakiisha booliska ah ee muslimka ay xeran karaan dharka xijaabka ah ee loo diro astaamaha booliska magaaladaasi.

Tan iyo waxii ka dambeeyay 2004 waxaa magaalooyinka dalka Mareykanka ka dhacayay xaflado dad Soomaali ah ay kamid noqonayeen ciidamada booliska ee dalkaasi mareykanka.

Khadra Mohamed ayaa ku dhalatay dalka Kenya iyadoo qeyb kamid ah nolosheeda ay ku qaadatay magaalada iminka ay sarkaalkabooliska ka tahay, waxaana hooyadeed ay ka qaxday dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyagoo ku noolaa xerada qaxootiga dalka Kenya ka hor inta aysan mareykanka gaarin.

kadro

render.htm

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com