Daawo Video: Sirdoonka Dowladda Soomaaliya Oo Qabtay Xubno Culus Oo Al-Shabaab Ka Tirsan Oo Xidhan Dharka Dumarka.

0

Muqdisho (AGGM): Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa  magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Rag isugu jira Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.

Kaddib howlgal ay Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa iyo 6-qof oo isuygu jira Horjoogeyaal hoose iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaab, kuwaasoo lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen falal lagu carqaladeynayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Xarunta Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo bandhigay Raggaani ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo mid kamid ah lasoo qabtay isagoo xiran Dharka dumarka iyo Indhashareer.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com