XOG CULUS: Madaxweyne Xasan Sheikh $5,400,000 Ku Bixiyey Safaradiisa Oo Kaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Sida ay xaqiijiyeen Ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia Madaxweynaha DF Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa intii uu xilka haayey mudada sanadka iyo barka aheyd waxuu galey safaro gaaraya 36.

36-da Safar, waa safaro aad u badan, oo qarkood aysan ahayn lagama maarmaan. Cel Celis ahaan madaxda caalamka waxa ay sanadkii oo idil safraan 3 goor.

Waxaa saraakiisha ay xaqiijiyeen in halkii safarba uu ku baxo cel celis ahaan Lacag dhan Boqol iyo Konton kun oo dolar, haddaba waxaan halkan idinku soo gudbineynaa inta jeer ee uu safarey Madaxweyne Xasan Sheekh.

1- Bishii Oktobar 8,deedii sanadkii 2012 waxuu Madaxweynaha u safrey dalka Uganda

2-Bishii November 26,keedii sanadkii 2012 waxuu u safrey Jabuuti

3- Bishii Disember 5,teedii Sanadkii 2012 waxuu Madaxweyne Xasan sheikh u safrey Turkiga.

4-Bishii Disember 16,keedii sanadkii 2012 waxuu u safrey Jabuuti

5-Bishii Disember 31,keedii sanadkii 2012 waxuu u safrey Kenya

6-Bishii Janaayo 1,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Suudaan

7-Bishii Janaayo 13,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Mareykanka

8-Bishii Janaayo 21,keedii sanadkii 2013 waxuu safrey Sacuudiga

9-Bishii Janaayo 26,keedi sanadkii 2013i waxuu u safrey Ethiopia

10-Bishii Janaayo 29,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Belgium

11-Bishii Febraayo 1,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey UK

12-Bishii Febraayo 6,deedii sanadkii 2013 waxuu safrey Egypt

13-Bishii Maarso 3,deedi sanadkii 2013 waxuu u safrey Qatar

14-Bishii Maarso 25,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Qatar

15-Bishii Maarso 30,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Imaaraadka Carabta

16-Bishii Abril 12,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Turkiga

17-Bishii Abril 15,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey UK

18-Bishii Abril 20,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

19-Bishii Abril 27,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Kenya

20-Bishii May 3,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

21-Bishii May 23,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

22-Bishii May 29,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Jaban

23-Bishii Jun 17,keedii waxuu u safrey UK-G8

24-Bishii julay 8,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey South Sudan

25-Bishii August 3,deedii sanadkii 2013 waxuu safrey Uganda

26-Bishii 19,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

27-Bishii September 11,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Imaaradka Carabta

28-Bishii September 15,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

29-Bishii September 20,keedii 2013 waxuu u safrey Italy

30-Bishii September 24,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Mareykanka

31-Bishii Oktobar 1,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Turkiga

32-Bishii Oktobar 11,keedii sanadkii 2013 waxu u safrey Ethiopia

33-Bishii Oktobar 28,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Turkiga

34-Bishii Disember 25,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Kenya

35-Bishii Janaayo 28.sanadkan 2014 waxuu u safrey Ethiopia

36-Bishii Febraayo 9,keedii sanadkan 2014 waxuu u safrey Turkiga.

Guud ahaan waa 36 safar marka leysku daro Safarada uu dibada ugu baxey mudadii uu xilka haayey Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamud waxaana halkii safar lacagta ku baxeysa ay dhan tahay $150,000. Boqol iyo Konton kun oo dolar waxaana sidoo kale guud ahaan Lacagta safaradaas ku baxey ay dhan tahay $5,400,000 waa shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Dolar.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in dhaqaalaha ku baxey safarada Madaxweynaha iney tahay mid aad u badan taasoo hadii lagu bixin lahaa Mushaaraadka Ciidanka wax weyn ka tari laheyd, iyadoo sida la ogyahana ay jirto in dhawaan Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia oo 700 askari gaaraya ay Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan sheikh ay shaqadii ka Ceyrisey taasoo ay guud ahaan shacbiga somaliyeed aad uga xumaadeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com