War Deg Deg Ah: Qarax Miino Oo Kismaayo Ka Dhacay & Ruuxi Watay Oo Ku Dhintey

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Waxaa hadda bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ka dhacay qarax miino oo xoogan kaasi oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah & mid ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni oo miinadda la sheegay inuu doonayey dhigo wadada bartankeeda.

Qaraxan waxaa uu ka dhacay agagaarka isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo oo ah wado inta badan Mashquul ah isla markaasna ay adeegsadaan shacabka iyo gaadiidka dadweynuhu,waxaana la sheegay inuu qaraxaasi wadada bartankeeda rabay inuu dhigo askari ka tirsanaa Maleshiyaadka Raaskambooni ee magaalada kismaayo ku sugan.

Askariga qaraxaasi waday ayaa la sheegay inuu damcay inuu dhulka dhigo balse waxaa la xaqiijiyey inay ka fakatey isla markaasna qarax lixaad leh ka dhashay,waxaana sidoo kale ku geeriyooday 5 ruux oo shacab ah kuwaasi oo dhamaantood marayey wadada isbtiaalka aada.

Maleeshiyaadka Raaskambooni waxay gudaha Magaalada kismaayo iyo degmooyinka hoos yimaada ka bilaabeen falal aad u argagax galiya shacabka kuwaasi oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan oo ay iyaga dhexdoodu isku fulinayaan iyo dilal kale oo ay ku barakaciinayaan shacabka magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyniti Ujeedada askarigan qaraxa u dhigayey wadada bartankeeda ayaa si dhab ah oo loo ogeyn iyadoo la aaminsan yahay inay qayb ka tahay xasilooni daradda ka taagan magaalada kismaayo oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo daad gureeyey kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com