Top News: Maxaa U Hirgalay Gudigii Loo Xilsaaray Baarista Weerarkii Villa Somalia?

0

Muqdisho (AGGM): Gudigii loo xilsaaray ineey warbixin kasoo diyaariyaan weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu wadaa ineey maalmaha soo aadan warbixintooda ugudbiyaan R/wasaare Cabdi wali.

Waxay guddigu sharaxaad hordhac ah ka bixiyeen qaabkii uu weerarka madaxtooyada u dhacay maalinimadii Jimcaha xilli ilaalada madaxtooyada ay ka yareyd intii caadiga ahayd, isla markaana uu jiray dhisme laga waday derbiga dambe ee madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in guddigu ay soo wadaan talabixin tilmaameysa in qaar ka mid ah saraakiisha sare ee amaanka xilka laga qaado, walow aan la ogeyn in soo jeedintaasi ay ku egtahay saraakiisha ciidamada booliska, nabadsugida iyo kuwa hoose iyo in lagu dari doono wasiirka amniga oo beryahan dambe dhaliilaha amniga loo xambaariyey.

Si kastaba waxaa la dhawrayaa in guddigan ay keenaan warbixinta baaritaankooda iyo in warbixintaasi loo bandhigo dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo daneynaya inay maqlaan sidii ay ku dhacday in rag hubeysan oo Al Shabaab ka tirsan ay weeraraan xarunta madaxtooyada maalin cad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com