Top News: Ciidamada Itoobiya Oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Ka Wada Guriceel.

0

Guriceel (AGGM): Wararka ka imaanaya degmada Guriceel,waxaa ay soo sheegayan in halkaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannada qeybna ka ah howlgalka la-dagaallanka Al Shabaab ee AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay siweyn isku diyaarinayan ciidamada Itoobiya,waxaana ay sheegen inay arkayaan gawaarida dagaalka nocyadooda kala duwan oo degmada ku soo qul-qulaya.

Ujeedeyinka dhaqdhaqaayada ciidan ee ay wadan ciidanka Itoobiya ee ku sugan xilligaan Guriceel,waxaa lugu sheegay inay tahay kuwo ay ku doonayan inay kaga saaraan Al-shabaab deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay.

“Ciidamadan waxay umuuqdan kuwo heeggan ku jira, gawaari ciidan oo ay tangiyaal ku jiran ayaa la socda ciidanka Itoobiya,waxaa ay u muuqdan inay dagaallo qaadi doonan, balse shacabku waxba kama ogan karaan tallaabada ay doonayan inay qaadan ciidanka Itoobiya,”ayuu yiri Sheekh Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka xilli uu Raxanreeb la hadlayey,waxaana uu inta raaciyey in saraakisha ciidamada hoggaaminaya ay kulamo la qaadanayan waxgaradka deegaanka.

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ku biiray AMISOM gobollada ay dalka kaga suganyihiin waxaa ka mid ah gobolka Galguduud oo qeybo badan oo ka mid ah ay ka arrimiyn Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com