MAQAAL: WAA YAABE GOOR MUU DAAROOD BOQOR KU HESHIIYEY? W/Q. Maxamed Aadan Cali

0

Maqaal kaan waxaan kaga hadli doonaa warar maal mahaan la isla dhex maraayey oo waliba mareegyada soomalida qaarkeed qaas ahaan kuwa daarood ku abtirsada aay qoraan lagu daabacey warar sheegaya nin u dhashey reer puntland oo lagu sheegey inuu noqon doono boqorka daarood

Nin kaas oo la doonayo in lagu caleemo saaro dhawaan puntland hadaba waxaan is weey diiyey goormuu daarood boqor yeeshey la isla ogol yahey hadaba taariikhda aan wax yar dib u cesho oo sharaxno arintaan qormadenu ku saleysan tahey xagee salaadu iskaga keey qaban weeydey.

Sooyaalka daarood markii dib aan u raacno waxaa noosoo baxeysa in waqtiba nin uu hormuud kasoo noqdey oo beeshu soo martey saldanooyin kala duwan kuwii casriga ahaa iyo kuwii horeba dabcan qarni walbe umad kastaa oo meel degen waxeey laheeyd dad hormuud u noqdey gaar ahaan somalida oo beelo kala aheyd intaan xornimada la qaadan kahor.

Beesha daarood boqorkii ugu horeeyey oo taariikh qoran oo rasmi ah aaysan jirin laakiin qof walbaba uu maqal kaga dharagsan yahey boqorkii ugu horeeyey oo la sheego shan boqol oo sano kahor waqti ku aadan inuu ahaa nin lagu magacaabi jirey boqor MAXAMED DAA’UUD oo ka dhashey beesha Sade Mareexaan boqorka oo beel kamida beesha Sade ku dhintey arintaas oo reebtey uur kutaalo iyo utun aan harin ilaa maantadaan la joogo.

Waxaa la sheegaa boqorka in magtii ugu badneyd oo qof Soomaali ah laga bixiyo mag ahaan loo bixiyey oo maah maah baaba jirta la dhaho (Magtaasi Badanaa Ma Tii Maxamed Daa’uud Baa) hadaba arintaasi mag kaliya dhibteedii kuma harine in beeshii ugu badneyd laf ahaan xiligaas daarood uguna dhaqaAlaha badneyd laguna sheego ineey aheeyd laftii ugu ilbax saneyd beelaha daarood waqtigaas in daarood oo dhan dagaal ku qaadey markii dambana magacyo qaldan loo bixiyey midaas oo ka baxsaneyd ku dhaqanka shareecada islaamka iyo waliba xeerka dad walaalo ah

Hadaba dhibtaas taagan ilaa hada oo 500sano laga soo wareegey waxaa talo iyo tusaale ku lahaa lafta maanta sheeganeysa ineey boqorkii daarood yihiin kuwaas oo xadey saldanadaas waqtigaas wixii ka dambeeyey wax heshiisa oo lagu gaarey ayadoo aaysan jirin waana mida maanta igu kaliftey inaan wax ka iraahdo arintaan dad badan ka aamuseen culumo iyo caamaba arintaan oo dhanka kale hadii laga fiirsho dulmi cad ah oo beeshii ugu tunka weydneyd lagu faquuqey laguna duud siyey.

Beesha Sade waxeey sitoosa ugu fashilantey ineey arintaas dulmiga ah ee laftaas lagu sameeyey in raali gelin laga siiyo iyo magdhow qaladkii laga galeyna la booga dhayo lana turxaan bixiyo waana mid weli taagan in wax laga qabto oo gogol beesha Sade iyo waliba daarood oo dhan oo dhibkaas wax ka geeystey uu soo wada afjaro oo maalin cad si aan ka gabasho laheyn raali gelin loo siiyo waxeyna arintaas u taalaa dhaqanka sade siyaasiga iyo culumada kuwaas oo huwan diintii suubaneyd arintaani waa la is weeydiinayaa inaad waxba ka qaban weydaan.

Mid waxaan leeyahey boqorka isku caleemo saarayo Puntland waa in horta laga wada hadlaa saldanadaas ineey booli ku maqan tahey baa la hubaa oo reerkii lahaa uu joogo marka boqorkaas waxaa igula haboon maadaama uusan jirin heshiis arintaas ku saabsan oo daarood ka gaarey in boqorka Puntland isku caleemo saarayo uu noqdo boqorka Cismaan Maxamuud ama loogu yeero boqorka Majeerteen ama boqorka Harti hadii loo baahdo boqorka Kablalax laakiin marnaba ma ahan wax la aqbali karo in loogu yeero boqorka Daarood, sababtuna waxey tahey boqorka daarood dhashiisii waa joogtaa Saldanana lama bililiqeysan karo marka walaalaha Puntland ineey ka waan toobaan magacaas baan usoo jeedin lahaa anagu uma aragno boqor daarood boqor Cismaan Maxamuud oo reer Qardho ah kaliyaan u naqaana.

Waxaan hadalkeyga kusoo af meerayaa golaha dhaqanka ama siyaasada ee sade ineeysan marnaba qeeyb ka noqon dulmigaas jagadaas boolida ku maqan in aaysan caleemo saarkeeda ka qeeyb gelin hadii nin sade ku abtirsado uu ka qeeyb galo waxaan u arki doonaa ama u aqoonsan doonaa mid ku faraxsan dulmigii aay ka taliyeen raga hada boqorka magaciisa qaatey oo boolida u haysta hadaba ilaa la helo heshiis guud oo daarood isugu gogol dhigto oo arintaas oga wada hadlaan oo mugdiga iyo mad madoowga halkaas ku jira aan la saarin kahor wax boqor daarood sheegan karo oo in la caleemo saaro mudan majiraan hadeey jiraana waa laftii uu ka dhashey Boqor Maxamed Daa’uud.

MAXAMED DAAUUD
Sawirkan Waa Qabriga Naxariiste Jano Allaha Siiyee Boqor Maxamed Daa’uud

W/Q. Maxamed Aadan Cali

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com