Top News: Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo 4 Ruux Ku Dilay Kismaayo Xalay.

0

Kismaayo (AGGM): Maleeshiyaadka Raaskambooni ee garabka ka helaya ciidamada dawladda kiiniya ayaa wali Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ka wada xasuuq baahsan oo ay u hayaan dadka shacabka ah ee ka soo jeeda Goboladda Jubooyinka.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa xalay dilal kala duwan ka fuliyey gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose,waxaana ay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo xalay si bareer ah ugu dileen 4 ruux oo shacab ah kuwaasi oo la sheegay inay dhamaantood ka soo jeedaan Gobolka Jubadda Hoose.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo dawaafiyey Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay waxay Magaalada ka wadaan barakacin baahsan oo ay ku hayaan shacabka iyagoo habeenkii guryaha ugu dhaca dadka shacabka isla markaasna ka fuliya kufsi & dil ay u geysanayaan dadka rayidka ah.

Dilkan ugu dambeyey ee xalay ka dhacay xaafadaha, Dalcada,Fanoole & xaafado kale  ayaa la sheegayaa inay  fuliyeen maleeshiyaadka ka amar qaata Axmed Madoobe,waxaana sidoo kale la shaaciyey inay guryo ku yaala xaafadaha Magaalada Kismaayo dhac baahsan ka geysteen.

Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay sii laba jibaareen dhaca,boobka,& dilka ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ka dib markii ay ka war heleen in ciidamada dawlada itoobiya ay ku soo wajahan yihiin qaybo ka mid ah goboladda Jubooyinka.

Iska Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com