Itoobiya Oo Runta U Sheegtey Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni

0

q12Addis Ababa(AGGM) Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulamo muhiim ah oo uu  la lahaa Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibedda dawlada Itoobiya kala kulmay Waji Gabax iyo Guul darro.

Madaxda dawladda Itoobiya oo dhawaan u si deg de gah ugu yeertey Horjooge Axmed Madoobe ayaa si cad ugu war gelisay inuu hogaansamo qodobadii dawladda federaalka ah iyo kooxdiisu ku heshiyeen,waxaana ay si cad ugu sheegeen in dawladda federaalka ah la gaaray xillgii uu ku wareejin laha dekadda Iyo garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda waxaa uu shaaciyey in loo baahan inay la dhaqan galiyo heshiiskii lagu kala saxeexday Magaalada Addis Ababa isla markaasna dhinac kastaaba uu ku dhaqmo sharuudihii uu qalinka ku duugay,waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu codsaday in dhawr bil dib loogu dhigo wareejinta dekadda iyo garoonka.

Arrintasi waxaa gashaanka u daruuray Wasiirka Arrimaha Dibedda dawlada itoobiya,waxaana uu sheegay inay hadii dib loo dhigayo ay u taalo dawladda federaalka ah ee soomaaliya balse ay iyagu gar wadeen ka yihiin heshiiskii lagu kala saxeexday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii Dawladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay heshay warar ku aadan in Xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Jabhadii ONLF inay qayb ka yihiin Saraakisha sida qarsoodiga ah ku jooga Goboladda Jubooyinka,waxaana dawladda Itoobiya arrintaasi la sheegay inay ku wado daba gal xoogan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com