Deg Deg: Magaalada Kismaayo Kala Carar & Horjoogayaal Cabsi Uga Baxay Magaalada

0

Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa caawa kacsan iyadoo ay maleeshiyaadka Raaskambooni cabsi daran la soo daristey ka dib markii ay ka war heleen warar ku saabsan gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo gudaha ugu jira Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa baneeyey meelo badan oo fariisimo ciidan ku lahayeen ka dib marki caawa laga war helay inay gudaha Magaalada ku jiraan 4 baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa,waxaana la sheegayaa in gaadiidkaasi ku sugan yihiin gudaha Magaalada kismaayo inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn arrintaasi iyo gaadiidku nooca ay yihiin.

Inta badan magaalada kismaayo banaankeeda caawa waxaa uga baxay Maleeshiyaadka Raaskambooni iyadoo ay gudaha ku sugan yihiin ciidamo tiro yar kuwaasi oo gaari kasta oo soo baxa rasaas ku furaya isla markaasna aan hubsaneyn in gaarigaasi yahay mid ka mid ah kuwii la sheegayey.

Sidoo kale waxaa Magaalada Banaanka uga baxay dhamaan Horjoogayaasha  Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la xaqiijinayaa inay caawa u hoyanayaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo fariisin u ah Ciidamada dawlada kiiniya.

Sidoo kale shacabkii Magaalada Kismaayo ayaa kala carar iyo feejignaan muujiyey,waxaana shaqsi kastaa ku xerooday hoygiisa iyagoo ka cabsi qaba inay dhibaato u geystaan maleeshiyaadka Raaskambooni iyo gaadiidka la sheegayo in qaraxyada laga soo buuxiyey.

Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni waxaa soo foodsaaray cabsi baahsan oo ku aadan iyaga dhexdooda iyo kooxda kale ee Alshabaab,waxaana inta badan isfahan darro iyo kala shaki baahsan ka dhex aloosan yahay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni kuwaasi oo qaarkood lagu eedeyey inay Alshabaab xiriir la leeyihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com