Xog Xasaasi Ah: 300 -350 Maleeshiyo Oo Ka Tirsan Jabhada OLNF Oo Kismaayo Ka Baxay Markay Maqleen Ciidamada Ethiopia Oo Imaanaya Kismaayo.

0

Nairobi (AGGM): Warar laga helay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa cadeynaya in Ahmed madoobe iyo qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Al-shabab ay lahaayeen xariir hoose oo joogto ah,Waxaa xariirkaas wakiil uga ahaa labada dhinac oo isku xirnaa, Duladayn, Xasan Turki , ciise Komboni iyo Ma,alin Jamal oo asagu aqoon fiican u lahaa samaynta waxyaalaha qarxa.

Waxaa kale oo xariirkaas ku luglahaa Mukhtaar Roobow iyo Fuad shanqole kuwaas oo uu lacag u diri jiray Ahmed madoobe isagoo u marinaya Ciise komboni labada team waxay si wada jir ah uga soo horjeedeen teamka Ahmed Godane XOGTAAS waxaa cadeeyey ilo lagu kalsoon yahay.

Ahmed Madobe, Ciise Komboni, Abdi Ali Raghe iyo Ma,alin jamal ayaa xogtu cadaysay in ay ka danbeeyeen dilal loo gaystay dad ka badan 60 qof oo ka soo jeeda beelaha dega Kismaayo sida Marexaan, Galjecel, Shiiqaal, iyo cawr,maleh oo dhamaantood lagu dilay magaalada Kismanyo si dadka looga barakiciyo magaalada.

Sidoo kale xogtu waxay muujisay in Axmed madobe uu Duladayn ku taageeri jiray in uu Kenya dhibaatooyin iyo qaraxyo ka sameeyo si ay u xoogaysato isku xiranta beesha ogaadeen iyo dowlada Kenya.

Warar kale ayaa cadaynaya in ciidamo OLNF ah oo ka tirsanaa maamulka jubba oo gaaraya 300-350 ay ka baxeen magaalada kismayo kadib markii ay ogaadeen in ciidamada Ethiopia ay imaanayaan magaalada kismayo. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamadaas ay aadeen dhinaca Raskomboni, Bada madoow iyo dhinaca xaduuda Kenya.

Abdikadir Mohamed Ali
Nairobi/Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com