Top News: Guddoomiyaha Golaha Aqoonyahanada Qowmiyada Banaadiriga Oo Sheegay In Ay Yihiin Dad Xuquuqdooda La Duudsiiyey

0

Muqdisho (AGGM): Guddoomiyaha Golaha Aqoonyahanada Qowmiyada Banaadiriga Dr.Ali Omar Abati Oo Ka Hadlay Isagoo Sheegay Beel La Dulmiyay Ayaan Nahay Oo Aan Helin Xuquuqdii Ay Ku Lahaayeen Dalka Waxaana Dowlada Ugu Baaqeynaa Inaan Waxa Aan Sheegeyno Baarto Wixii Xaq Ahna Ka Soo Saarto.

Dr.Ali Ayaa Sheegay In Xaqa Beelaha Banaadiriga Lawada Doono Oo Abaabul Loo Galo Si Isku Duubni Ahna Looga Shaqeeyo Ka Bixitaanka Dhibaatada Nagu Raagtay Ayuu Yiri.

In Aan Dulmi Ku Sii Jirno Ma Ahan Waa In Aan La Mid Noqonaa Beelaha Kale Waayo Soomaali Baan Nahay Waxaana Wada Degganahay Dhammaan Gobolada Dalka Oo Dhan Waxaana Nahay Dad Aqoon Iyo Hanti Leh Oo Wax Soo Saar Leh Ma Aha In Aan Weyno Xuquuqdeena”Ayuu Yiri Dr.Ali Isagoo Sii Wata Guddoomiyaha Hadalkiisa siiwata ,Ayaa Sheegay In Aysan Helin, Waxbarasho, Caafimaad, Iyo Awood Qeybsiga Talada Dalka, Cadaalad Iyo Siyaasada Waxaana Dhibka Inoo Keenay In Beelaha Banaadiriga Siyaasada Xuquuqda Ay Ku Lahaayeen La Duudsiiyey Iyadoo La Dhahaayo Xaq Ma Ahee Waa Xal Sidaasna Nalagu Duudsiiyo Xuquuqdeyna, Waxaana Leenahay Xal Ma Jiree Xaqbaa Jiro.

Diini 16_07 (6)

W.D Dr.Ali Omar Abati Binfaghi
Gudoomiyaha Golaha Aqoonyahanada Qowmiyada Banaadiriga
Email Dr.Abatialfaghi@Hotmail.Com

Tel: 0615509205

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com