Top News: Dowladdaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Heshiis Dhinka Ciidamada Ah.

0

Muqdisho (AGGM): Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawinaya dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xerooyin ciidan oo si casri ah u qabalaysan.

Hadalkan ayaa laga sheegay markii uu heshiis dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa sheegay in uu tababar siin doono ciidamada dhulka, bada iyo cirka si loo soo celiyo awooda ciidamada xoogga Soomaaliya.

Daahir Aaden Cilmi Indhaqarshe Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal oo uu garab istaagnaa Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Turkiga.

Sidoo kale Xuseen Xamdi Arguu oo ah madaxa ugu sareeya qeybta tababarrada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa tibaaxay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaaban doonaan dib u dhiska xerooyinka tababarrada maadaama ay dowladda Soomaaliya kala tashanayaan goobaha ugu habboon ee laga hirgelinayo xerooyinkaasi.

Heshiiskaan ayaa daba socda heshiiskii ay horay ukala saxiixdeen Wasaaradaha difaaca dalalka Turkiga iyo Soomaaliya kaasoo ay meelmariyeen Baarlamanka Soomaaliya, waxaana haatan dalka Turkiga tababar u jooga 40-Sarkaal.

Heshiiskan ayaa looga gon lee yahay siddii dib loo soo noolayn lahaa ciidamada Soomaaliya, si ay ugu filnaadaan awoowda ammaanka dalka.

taliyaha ciidamada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com