Shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho ku sugan oo walaac ka muujiyey qaraxyada ka dhaca caasimada

0

Dhanka kale war saxaafadeed kaas la ujeedo ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxii shalay uu ka mid yahay dhacddooyinka foosha xun ee Soomaaliya ka dhacaya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xukuumadda Turkiga ay aad uga xuntahay falalka amaanka lidiga ku ah ee ka dhacaya Soomaaliya isla markaana ay xanuunka la wadaagayso  bulshadda Soomaaliyeed.

Qaraxii shalay ka dhacay agagaarkaa baarkii Fiat oo u dhaw dhismaha xarunta ugu weyn hay’adda nabad sugida Al-Shabab waxay sheegeen inay ku laayeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa nabad sugida Soomaaliya hase ahaatee dadka ugu badan ee dhibku soo gaaray waxay ahaayeen rayid ku shaahayay maqaayadda qaraxu ka dhacay.

Marka sidaan oo kale ay wax uga dhacaan wadamada taageera dawlada Soomaaliya iyo ururada caalamiga ahba sidaan oo kale ayay u soo saaraan warar ujeedkoodu yahay cambaareyn.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com