Golaha amaanka QM oo canbaareeyey qaraxii shalay ka dhacay caasimada Muqdisho

0

War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha golaha amaanka ee Q,M ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay meel u dhaw xarunta hay’ada nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka golaha amaanka waxaa lagu sheegay in qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ay ka dhigantahay qal qal galin dhanka amaanka ah waxaana goluhu soo jeediyay in la qaado tilaaboyooyin amaanka lagu sugayo.

Qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay oo ay Al-Shabab sheegteen ayaa goluhu waxaa uu ku cambaareeyay luuqadii ugu adkeyd sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

“Xubnaha 15 ah ee golaha amaanka waxaa ay xunyihiin dhibaatada ay sida joogtada ah maalmahaan ula kulmayaan shacabka iyo mas’uuliyiin dawlada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka golaha amaanka kasoo baxay waxaana uu intaa ku daray warku in weerarada noocaan oo kale aysan joojin doonin taageerada Q,M ee Soomaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com