Dhageyso:Wasiirka Arimaha Gudaha Shabaabkii la qabto lama deeyn karo

0

Muqdisho(AGGM): Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/alaahi Goodax Bare ayaa sheegay in Raga ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ee La soo qabto in aan la sii deeyn karin.

C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay in Xildhibaano iyo Siyaasiin ay ku howlan yihiin arimahaasi ay jiraan waxaana uu sheegay in dadka la soo qabto ee Al-shabaabka ka mid ka ah aan la sii deeyn karin ilaa Sharciga la Marsiiyo.

Waxaa uu intaa ku daray in Laamaha Amaanka Soomaaliya lagu Amray in aan la sii deeyn karin Dadka Nuucaas oo kale ah oo ay ka daba yimaadaan Dadka Dowladda ku jira.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya

Isha ku hay Allgalgaduud Media 

Allgalgaduud@gmail.com