Dhageyso: Waa Nin Ceynkee Ah Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir.

0

Muqdisho (AGGM): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa lagu shaaciyay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Wareegtada oo Khamiistii soo baxday, ayaa sidoo kale xil ka qaadis loogu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Magacaabidda Muungaab, ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu ka dambeeyay Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumada C/kariin Xuseen Guuleed.

Dadka Soomaaliyeed, ayaa siyaabooyin kala gedisan u soo dhaweeyay magacaabidda Muungaab, waxayna qaarkood ku andacoonayaan in isbedel loo baahan yahay.

Dadka qaarkii, ayaa Dowladda ku dhaliilaaya in ay bedel ku sameyneyso xubnaha ugu wanaagsan, ee sida fir fircoon uga soo baxaaya waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.

gen muungaab

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com