Xog Xasaasi Ah: Cabdiwali Gaas Oo Itoobiya U Tagay In Aan Al Shabaab Laga Xoreeyn Deegaanada Gobolka Gedo Iyo Horjooge Axmed Madoobe Oo Ku Wajahan Addis Ababa?

0

Muqdisho (AGGM): Warar si hoose ku soo gaaray Warbaahinta Allgalgduud Media ayaa waxa ay sheegayaan waxa uu salka ku hayo safarka deg dega ahaa ee Cabdiwali Gaas ku tagay dalka Itoobiya.

Xog ogaal si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu inoo sheegay waxa uu salka ku hayo safarka Cabdiwali Gaas ee Itoobiya iyo Hagardaamooyin cusub oo abaabulkooda laga wado gudaha dalka Itoobiya.

Warkan aanu sida hoose ku helnay ayaa waxa uu sheegayaa qorshaha Cabdiwali Gaas uu u tagay dalka Itoobiya in uu yahay sidii looga dhaadhcin lahaa dowladda Itoobiya inay baajiso amaba dib u dhigto dib u xoreeynta deegaanada Gobolka Gedo ee ku jira gacanta maleeshiyaadka Al Shabaab.

Xog Ogaalkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in magaalada Addis Ababa uu sidoo kale kusoo wajahan yahay Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo isaguna qeeyb ka ah qorshahan lagu carqaladeenayo amaba lagu baajinayo in deegaanada katirsan gobolka Gedo laga xoreeyo falaagada Al Shabaab.

Dib u xoreeynta deegaanada gobobolka Gedo ee ku jira gacanta Al Shabaab ayaa waxa uu wal-wal weyn ku hayaan horjoogeyaasha New Kablalax Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe kuwaa oo ka baqaya haddii deegaanadaas la xoreeyo in ciidamadaasi ay usoo gudbaan dhanka Jubbooyinka oo la wada garan karo haddii ay usoo gudbaan ciidamadaas dhankaas halka ay ka baxayaa maleeshiyada Raaskambooni iyo Film-ka New Kablalax.

Si looga hortago dib u xoreeynta deegaanada gobolka Gedo ee ku jira gacanta Al Shabaab ayaa waxaa geed dheer iyo geed gaaban loogu fuulayaa in ciidamada dowladda Itoobiya aysan qeyb ka noqon ciidamada garab siinaya kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ee la doonayo inay dhawaan weeraraan deegaanada ay ku hareen falaagada Al Shabaab.

Dhinaca kale dowaldda Soomaaliya iyo dowladdaha caalamka iyo kuwa deriska la ah Soomaaliya ayaa waxa ay in mudo ah ku baaqayeen in lala galo dagaal lagu cirib tirayo falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab balse waxaad moodaa in hadda qaar kamid ah horjoogeyaasha Soomaalida ay soo baxayaan wejigooda runta ahaa iyo taageerada ay u hayaan falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo safarkan horjoogeyaasha New Kablalax ugu qulqulayaan magaalada Addis Ababa ayaa dadka badankii waxay ku tilmaameen mid muujinaya sida koonfurta Soomaaliya inteeda kale dhaqalaha loogu bixinayo burburkooda iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya argagixisada Al Shabaab iyo Horjoogeyaasha New Kablax Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com