Top News: Tarsan oo Xilkii laga Qaaday iyo Muungaab oo la magacaabay

0

Muqdisho(AGGM):  Wareegto kasoo baxaday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xilkii looga Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxmuud Axmed Nuur Tarsan,waxaana isla Wareegtada lagu Magacaabay Gudoomiye Gen,Xasan Max’ed Xuseen Muungaab.

Wareegtada ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Arintan u sameeyey ka dib markii uu la tashaday Bulshada Qeybaheeda kaladuwan iyo Siyaasiinta.

Waxaana sidoo kale Wareegtada lagu sheegay in Masuuliyiinta Maamulka iyo kan Dowladda Soomaaliya in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Gibolka Banaadir.

4

Isha ku hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com