Top News: Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Axmed Madoobe oo Dhoobleey lagu Dilay

0

Muqdisho(AGGM):Xili Mudooyinkii ugu danbeeyey ay jireen Dilal iyo Beegsi ay isku hayeen Maleeshiyada Kooxda Raas kambooni ee Axmed Madoobe ka Amar qaata ayaa Xalay Degaanka Dhoobleey,waxaa lagu Dilay Sargaal ka tirsanaa Maleeshiyada Axmed Madoobe.

Sargaalka ayaa waxaa lagu Dilay Bartamaha Deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose,ayadoona Dilka Sargaalka ay fuliyeen Koox Bastoolado ku Hubeeysan.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa Xafiiska Allgalgaduud Media  ee Muqdisho u sheegay in markii uu dhacay Dilka  Sargaalka Magaalada dhoobleey ay ka bilaabatay Qal qal iyo Cabsi Xoogan,ayadoona Degaanka uu ka Dhaqan galay Bandawo Iskiis ah.

Sargaalkaan lagu Dilay Degmada ayaa ahaa Talihii Saadka ee Maleeshiyaadka Raas kambooni u qaabilsanaa Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mudo Labo Todobaad gudahood ah,ayaa waxaa la dilay ilaa iyo Afar Sargaal oo ka mid ahaa Maleeshiyada Axmed Madoobe ,ayadoona sidoo kale Qaar kale ay Shirqoolo Dil ah ay ka Badbaadeen.

Dadka ku nool Gobolada Jubooyinka ayaa qaba in inta badan Maleeshiyada Raas kambooni ay Dhexdooda is u gaarsanayaan, kadib waxii ka danbeeyay Dilkii Ciis Kambooni.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com