Dhageyso: Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo Arimo Xasaasi ah ka hadlay.

0

Muqdisho (AGGM): Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha kala duwan ee hada ka jira gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo baaq ujeediyay madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Baadiyoow oo Wareysi siiyay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in waajibaadka Dowladda Soomaaliya laga rabo inuu yahay sugidda amniga caasimada Muqdisho, maadaama ay tahay waajibaad ay u qaaday Dowladda dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya sidoo kale laga rabo waajibaadka Dastuuriga ah ee Dowladda ay masuuliyada ka tahay, isaga oo sheegay in wax waliba oo waajibaad Dowladda saaran uu cadeynayo Dastuurka dalka.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu xusay inay yihiin u adeegayaal shacabka Soomaaliyeed, hadii ay kasoo bixi waayeena shaqooyinka loo dhiibtay ay mudan yihiin in la dhaliilo.

Wuxuu si dadban usheegay in hadii madaxda Dowladda Soomaaliya ay gudan waayeen waajibaadka qaran ee saaran inay wanaagsan tahay inay shaqooyinka iska wareejiyaan.

Ugu dambeyn madaxda Dowladda ayuu udiray fariin ku aadan waxqabad dhab ah inay la yimaadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com