Dhageyso: Cali Maxamuud Faarax Seeko “Madaxweyne Xasan Sheekh Beeshiisa Ayuu Xilal Muhiim Ah Oo U Magacaabay”.

0

Muqdisho (AGGM): Madaxwaynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay xilalka Muhiimka ah ee dowladda inuu siiyay Xubno ay isku hayb yihiin.

Siyaasiga Cali Maxamuud faarax Seeko oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud xilalkii loo qaybin lahaa beelaha Soomaliyeed inuu si gaar ah ugu tagri falay isla markaana uu magacaabay Siyaasiyiin ay isku hayb yihiin.

Wuxuu xusay dhawaanahaan inay soconayeen da’daalo lagu doonayo in lagu soo magacaabo Guddoomiyaha gobolka Banaadir taasoo uu wado qorshaheeda inuu ka dhigo siyaasi ay isku bel yihiin.

Xilalka uu Xasan Sheekh u magacaabay Beeshiisa ayuu ku sheegay Maamulka guud ee dakada Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha, Agaasimayaal, Hay’addaha Gargaarka bixiya, Qandaraasyada, Safaaradaha, iyo Shaqaalaha Hoose oo xiliyadii hore la siin jiray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay Siyaasiga Seeko dadka uu xilalka u magacaabay inay yihiin kuwa aan aqoon iyo Karti lahayn isla markaana aan waxba ka aqoon dowlad nimada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com