Daawo Sawirada: Beesha Murusade oo Kalsoonidii Kala Noqotay Dowladda Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Shalay oo Arbaca ah Shir jaraa’id ku qabtay mid ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasoo sheegay in ay kalsoonida kala laabteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa.

Beesha Murasade (Karanle) ayaa shirka jaraa’id qabtay, waxaana ay sheegeen markii ay arkeen dhowr qoddob oo ay soo bandhigeen in ay kalsoonida kala laabteen madaxweynaha Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay beesha ayaa akhriyay sagaal qoddobo oo ay ku caddeenayaan in ay kalsoonida kala laabteen madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa.

Waxa ay madaxweynaha ku eedeeyeen isagoo adeegsanaya awooda dowladnimo in uu beesha ku suntay dhammaantood in ay yihiin Al-Shabaab.

Waxaa kaloo ay sheegeen in madaxweynaha uu beesha uu ku hayo barakac, xarig, jirdil iyo boob sidda ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kaloo war-saxaafadeedka ay ku sheegeen in madaxweynaha uu dib u soo noo leeyay colaad ka dhex jirtay beesah uu ku dhashay iyo Beesha Murasade(Karanle).

Wuxuu in kirsan yahay in beesha Murasade ay kaalin yeelato dowladda ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Murasade.

Ugu dambeyn war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la amraayo dhammaan xildhibaannada, wasiirada iyo siyaasiyiinta in aysan kulamo qarsoodi ah ama ku kale aaanu la qaadin karin madaxweynaha maadama kalsoonida ay beesha kala laabatay.

Kulanka go’aanka ay beesha ku gaartay waxaa ku sugnaa xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo. haweneka iyo dhallinyarada.

murusade-26

murusade22

murusade-23

murusade-25 murusade22

murusade-24

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com