Top News: Midowga Yurub oo markii ugu horeysay Soomaaliya tababar ka bilaabay

0

Muqdisho (AGGM): Ururka Midawga Yurub ayaa markii ugu horeysay tababarida ciidamada dawlada Soomaaliya ka bilaabay magaalada Muqdisho tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore.

War kasoo baxay Midawga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in saraakiishooda ay ciidamada dawlada Soomaaliya tababar uga bilaabeen gudaha magaalada Muqdisho kadib markii laga soo raray dalka Uganda.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibbada Midawga Yurub haweeneyda la yiraahdo Catherine Ashton ayaa sheegtay in howsha ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee lagu tababarayo ciidamada dawlada Soomaaliya ay tahay arrin taariikhi ah waxaana ay intaa ku dartay Midawga Yurub uu hadda kadib Soomaaliya ku tababarayo gudaha Soomaaliya.

Wajiga hore ee tababarka waxaa loo qabtay 60 sargaal oo ka tirsan ciidamada Militry,ga Soomaaliya oo la barayo xeerka caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha iyo anshaxa ciidamada military,ga.

Saraakiishaan ayaa horey tababar kusoo qaatay xeryo ku yaala wadanka Uganda.

Macalimiinta reer Yurub ee Soomaaliya ciidamada ku tababaraya oo ka kooban 16 sargaal ayaa u kala dhashay wadamada Talyaaniga, Sweden iyi Hungary.

Ugu dambeyn Catherine Ashton waxaa ay sheegtay in mustaqbalka dhaw ay diyaarinayaan macalamiin Soomaali ah oo howsha kala wareega kuwa Midawga Yurub oo howshooda noqon doonto kormeerid oo kaliya.

Midawga Yurub ayaa bishii December ee sanadkii hore ku dhawaaqay inay howsha ay ku tababarayaan ciidamada Soomaaliya usoo wareejiyeen Soomaaliya oo laga soo raray dalka Uganda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com