Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Ka Hadlay Gulufka Colaadeed Ee Kusoo Wajahan.

0

Muqdisho (AGGM): Falaagada Al-Shabaab ayaa sheegay in aanay “wax walwal ah” ka qabin weerarka ka dhanka ah ee ay dhawantan ku dhawaaqeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Wasiirk arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdullahi Godax Bare ayaa sheegay in weerar cusub oo loo qorshaynayo Al-Shabaab “si weyn loogu guulaysan doono”.

Goodax ayaa sheegay in xilliga weerarka uu haatan soo dhawaaday.

Weerarrada Al-Shabaab

Falaagada Al-Shabaab, oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegtay in weerarradii ugu dambeeyay ee Muqdisho ay dadka ku xasuusinayeen inay weli joogaan magaalada.

Ururku ayaa dhowr weerar ka fuliyay magaalada Muqdisho toddobaadyadii la soo dhaafay.

Maalntii Jimcaha ayay weerar ballaaran ku qaadeen aqalka madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen dhowr iyo toban ruux.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu is baddelo ballaaran ay ku samayn doonto waaxda nabadsugidda ee magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com