DHAGEYSO:-Faah faahin ka soo baxaysa Weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday Baraawe

0

Wararka Maanta Naga soo gaaraya Degmada Baraawe Ee Gobolka Sh Hoose oo ah Mid ka Mid ah Magaalooyinka ay Sida aadka ah ugu Xoogan Yihiin al shabaab ayaa waxaa ay sheegayaan in Diyaarado dagaal ay Duqeyn ka geesteen magaalada halkaa oo la soo sheegayo in uu Jiro Khasaare Kala duwan .

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad Nuuca Aan Duuliyaha Lahayn  ah ay Duqeysay Guryaha Xubno ka Tirsan Hugaanka sare Ee Al shabaab  Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay Raga la weeraray Afhayeen Ururka Cali Maxamuud Raage cali Dheere {Cali Dheere} Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya Duqeynta .

Warar Qaar Ayaa Waxaa ay sheegayaan in Ciidan soo dagay ay qaateen maydka sarkaal sare oo Al Shabaab ka Tirsanaa in Kastoo aan la Ogeyn Somali iyo Ajaanib Cida uu Yahay Waxaana dadka ku dhaqan magaalada qaarkood oo Aan la Hadalnay ay Sheegayaan in Duqeyntu ay  Dhacday Faah Faahin dheeraad ahna aanay ka Heli Karin Ciidan Aad u Badan oo Al Shabaab ah ayaa la sheegay in ay Buux dhaafiyeen Goobta la Weeraray kuwaa oo Diidayay isticmaalka Wadooyinka ka agdhaw Goobta .

Wali Ma jirto Cid Al Shabaab ka Tirsan oo ka hadashay Duqeynta loo Geestay Guryaha saraakiisha  iyo Khasaaraha ka soo gaaray intaba Waxaa kaloo aan Jirin War ka soo baxay Dowladda Somalia iyo dowladdaha taageera oo ay uga hadleen Duqeynta Cid Sheegatay in ay Iyadu ka dambeysay Ma Jirto waxaase Dhowr mar ooh ore Soo laa laabatay Duqeynta Saraakiisha Al Shabaab loogu Geysanayo Degmada baraawe iyo Tuulooyin Hoos Yimada.

Iyadoo  duqeyntii ugu dambeysay Dhawaan loogu Geestay Deegaanka Hoos Taga baraawe lagu dilay  Sarkaalkii dhanka caafimaadka ugu sareyay Al Shabaab oo lagu Magacaabi Jiray Cabdul qaadir Camuu isku dhuuq Al Shabaabna iyaga oo ka cabsi qaba Duqeymaha ku sii badanaya Goobaha ay Joogaan saraakishoodu ayay Mamnuuceen barnaamijka Mobile Internetka Ee Shirkadaha is gaarsiinta .

Halkaan Ka dhageyso Wararkii Ugu danbeyay:-