War Deg Deg Ah: Macalin Abukar Jamaal Oo Lagu Toogtey Kismaayo & Dagaal Laga Cabsi Qabo

0

Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda bartamaha Magaalada Kismaayo lagu toogtey Macalin Abukar Jamaal oo ka tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inuu dilay mid ka tirsan Ilaaladiisa isla markaasna la aaminsan yahay inuu ka mid ahaa Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Waxaa la sheegaya in ninkii dilka Macalin Jamaal fuliyey isna Meesha lagu toogtey oo mid kale oo ilaalo ahi uu toogtey,waxaana la sheegayaa inay Marxuumka la dilay iyo kan wax dilay ay ka soo wada jeedaan Beesha Ogadeen,waxaana la aaminsan yahay in dilkan uu la mid yahay dilkii hore loogu geystey Ciise Kambooni oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa kacsan waxaana Maleeshiyaadka Raaskambooni u kala jabeen laba qabiil iyadoo ay magaalada soo dhoobeen ciidamo badan oo iska soo horjeeda,waxaana la sheegayaa in xaaladu kacsan tahay isla markaasna laga yaabo in dagaal culus ka dhex qarxo kooxahan ku dirirsan magaalada Kismaayo.

Macalin Jamaal waxaa uu ahaa nin ku taqasuusay Xirxirista qalabka wax lagu qarxiyo,waxaana uu hore uga tirsanaan jirey Maleeshiyaadka Alshabaab,waxaana la aaminsan yahay in dilkan ay soo abaabuleen Maleeshiyaadka Alshabab ee uu hore uga tirsanaan jirey.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda isu bedeshay Meel colaadeed oo ay ku loolamaan maleeshiyooyin laga soo aruuriyey Gaarisa Gubaay & Kilinka 5aad kuwaasi oo asalkoodu ka soo jeedo Maleeshiyaadka ONLF iyo Alshabaab,waxaana la sheegayaa inaysan Magaalada Kismaayo ka baaqsan dooni dagaal ka dhex qarxa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Iska Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com