K/AFRIKA : Shir Ka Farxiyey Soomaalida Oo Ka Dhacay Cape Town.

0

CAPE TOWN, South Africa (AGGM): Inkastoo uu yaraaday dilka iyo boobka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu gaysto dalka Koonfur Afrika, ayaa hadana waxaa weli jira kulamo deg deg ah oo lagu xoojinayo amaanka Ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirweyne xagga amniga Soomaalida si qaas ah u quseeyey oo ay kasoo qeybgaleen dhammaan laamaha amaanka iyo madaxda Jaaliyadda Soomaalida, ayaa ka dhacay Deegaanka Retreat oo hoostaga Magaalo-xeebeedka Cape Town, iyadoo shirkaasi ay goobjoog ka ahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed ka kala timid ilaa 10-tuulo oo ku yaala nawaaxiga Deegaankaasi.

Gudoomiyaha Save Somali Community Yuusuf Cumar Axmed, oo iiga waramay ajendaha shirka ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan uu ahaa sidii loosii adkeyn lahaa ammaanka Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana shirka intii uu socday lasoo hadalqaaday sida uu yiri dilkii ugu dambeeyey ee Cali Caddaan Jiinow oo ahaa Soomaaligii Labaad ee sanadkan 2014 la dilo, iyadoo taasi laga duulayana ay laamaha ammaanka oo is kaashanaya ay ballan qaadeen inay wax weyn ka bedeli doonaan xaaladda ammaanka.

Tallaabadan xagga ammaanka ah ee la qaaday oo sii socon doonta sida uu qorshuhu yahay, ayaa farxad iyo dhiiri gelin u ah dhammaan Soomaalida, kuwaasi oo weli sugaya wax qabad muuqda oo lagu baajin karo mustaqbalka dhow ugaarsiga ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

Ganacsatada Soomaalida oo badankood ganacsigooda ama meheradahooda ku yaalaan tuullooyinka isku raranka ah ee ka baxsan Magaalada, ayaa aalaaba waxaa soo wajaha dhibaatooyin kala duwan oo naftooda khatar ku ah kuwaasi oo qaarkood iyagoon waxba galabsan oo iska ganacsanaya loogu tago barahooda ganacsi ka dibna lagu dilo ama la boobo, hase yeeshee sanadkan 2014 ayaa in badan ka nabadgalyo quman sanooyinkii tagay ee sida daran loo gumaadi jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa.

unnamed7

C/risaaq C/laahi Maxamed (IndhaJaceyl)
Daauus1@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com