Top News: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Laba Nin Ku Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay laba nin ku dileen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Labadan nin ee ay dileen maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxaa la sheegayaa in lagala baxay guryaha ay daganaayeen kadibna meydkooda laga kala helay xeebta magaalada Kismaayo iyo gudaha xaafada Calanley.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in labadan nin loo dilay heybta ay kasoo jeedaan waxa kale oo uu sheegay inay dhaliyo ahaan labadan Marxuum akasoo jeedeen beesha Habargidir.

Dilalka ku saleeysan heybta uu qofka kasoo jeedo ee ka dhaca magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku socdaan si xowli ah iyada oo beelaha qaar lagu hayo dilal aan kala sooc lahayn.

Isku soo wada duuboo xaalada amaanka magaalada Kismaayo ayaa ah iminka mid faraha ka baxay kadib dilalkan qorsheesan ee loo geesanayo qaar kamid ah beelaha wax ka daga magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com