Top News: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Wata 130 Gaadiid Ah Oo Fariisin Ka Sameystay Deegaanka Cara Case Ee Gobolka Gedo.

0

BaledXaawo (AGGM): Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada BaldXaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa xambaara Taangiyada oo gaaraya 130 gaadiid ah ay caawa fiidki fariisin ka sameeysteen deegaanka Cara Case ee gobolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamadan sida aadka u hubeeysan ay ku wajahan yihiin magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, kadibna ay weerar ku qaadayaan degmooyin ku haray gacanta ururka argagixisada ah ee Al Shabaab Buurdhuubo iyo Baardheere.

Waxaa ka socda deegaano fara badan oo ka tirsan gobolka Gedo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan, dhaq dhaqaaqyadaas ayaa gabi ahaantood waxa ay ku wajahan yihiin deegaanada ku haray gacanta argagixisada Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn goorta uu bilaaban doono dagaalka looga sifeeynayo gobolka Gedo ururka argagixisada ah ee Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com