Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo Dowladda Isku dhiibay

0

Muqdisho(AGGM): Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Cabdi Buule Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay xalay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada ayaa gaaraya 20-Ruux oo Wata Hubkooda islamarkaana ka kala yimid Degmada Luuq iyo Baled-Xaawo.

Waxaa uu sheegay in ay soo dhaweeyeen  Maleeshiyaadka ka soo goostay Kooxda Argagixisadaa ee Al-shabaab islamarkaana ay Dhaqan Celin u sameenayaan.

Cabdi Buule Cabdi ayaa ugu baaqay Maleeshiyada Al-shabaab ee  ku sugan Gobolka in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo.

Marar farabadan ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaa isku soo dhiibay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com