Dhageyso:Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Muqdisho(AGGM): Gudoomiyaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Muxiyadiin Axmed Xiireey ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ee Degmada ku sugan ay gacanta ku dhigeen Tiro ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ee Al-qaa;ida.

Gudoomiyaha ayaa Sheegayn Kooxdaasi Ciidamada ay soo qabteen in ay ku wareejiyeen laamaha Amaanka ee ku shaqada leh  si Danbiyadoda logu qaado.

Gudoomiye Xiireey ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamdii Dadka ku dhici jiray Degmada ay Ka aruuriyeen Degmada islamarkaana hada Degmada ay tahay Nabad.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Gudoomiyaha degmada

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com