Dhageyso: Dowladda Oo Ka Qarisay Shacabka Xogta Dhabta Ah Ee Weerarki Madaxtooyada (Villa Somalia).

0

Muqdisho (AGGM): Marba marka ka dambeeysa waxaa isa soo taraya wararka xaqiiqda ah ee weerarki lagu qaaday xarunta Madaxtootayada iyo dowladda Soomaaliya oo shacabka ka qarisay xaqiiqada dhacdadaas.

Sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Suldaan Deeqow oo wareeysi siiyay idaacada BBC-da qeeybteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada.

Mas’uulkan ayaa waxa uu sheegay in nin ka tirsanaa kooxda weerartay xarunta Madaxtooyada oo ku labisan dharka Ciidamada Dowladda uu ugu soo galay Masaajidka ku dhexyaala xarunta Madaxtooyada islamarkaana uu weeydiiyay cida ay yihiin ayna u sheegaan inay yihiin dad shacab ah.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in markaas ay masaajidka ku joogeen 7 ruux oo dadka markaasi ku sugnaana ay kala ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax Barre, Wasiirka Maaliyada Cabdi Xalane, Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Jaamac iyo Taliyihi hore ee Ciidamada xooga dalka Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com