Dhacdo Yaab Leh: Qiso Dhab Ah Oo Qabsatay Mid Kamid Ah Shaqaalaha Madaxtooyada (Villa Somalia).

0

Nin kamid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada (Villa Somalia) ayaa waxaa la soo gudbaanaatay arin yaab leh oo ku qasabtay inuu dalkaba isaga soo cararo.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa Ninkan oo aan ka gaabsanayno magaciisa xaalad amaan awgeed waxa uu kasoo baxay Madaxtooyada (Villa Somalia) si usoo gudaha magaalada uga soo qabsado dano uu kalahaa markaa.

Ninkan ayaa marki uu soo gaaray nawaaxiga KM4 waxaa hareeraha ka galay laba nin oo bastoolado ku hubeeysnaa waxayna ku wargaliyeen inuu gees uga baxo wadada, waxayna la galeen meel luuq ah.

Labada nin ee ku hubeeysnaa bastooladaha ayaa ninki waxay ku wargaliyeen inay yihiin rag ka tirsan Amniyaad-ka Al Shabaab ayna dilayaan, Ninkii ayaa qeeylo iyo baryo isugu daray waxa uuna ku yiri waxaad doonaysaan iga qaata ee ha idilina, labadii nin ayaa waxa ay ku yiraahdeen maxaad nasiin kartaa oo aad heeysataa waxaad tahay shaqaale xun oo qaata $ 300 oo doolar unna shaqeeya Murtadiinta.

Ninkii ayaa waxa uu ugu jawaabay waa runtiin wax kale oo aan helo majirto aan ka ahayn $300 oo doolar ee aad sheegteen qaata nus bil walba waana idinla shaqeenayaa oo waxaad rabtaan ayaan sameen.

Labadi nin ayaa waxay ninki ku yiraahdeen ma nala shaqeenaysaa oo waxaan kuu dirnana ma sameenaysaa? Ninkii oo nafta heeysa ayaa mar qura waxa uu la soo booday haa waan idinla shaqeenayaa xataa Mushaarkeeygana qaata balse ha idilina.

Labadi nin ayaa waxay ugu jawaabeen waxaan kaa doonaynaa in aad nala shaqeeyso cadaaladana aynaan ka tagin waa in aad nus meelood (Qayb) mushaarkaaga ugu yaboohdaa Mujaahidiinta, ninki ayaa waxa uu balan qaaday in uu kala shaqeenayo wax walba oo ay doonayaan islamarkaana uu nus mushaarkiisa ugu yaboohayo Mujaahidiinta. waa sida uu u dhigay hadalka ninkaasi.

Ninki ayaa hal su’aal ah labadi nin weeydiiyay “Seebaad iila soo xiriireeysaan yaase idiinku dhiibayaa mushaarkeyga Nuskii? Labadi nin ayaa waxa ay ugu jawaabeen iska tag anagaa kula soo xiriireeyno waqtigaan kuu baahano, waxayna uga digeen in uu cid kale u sheegi karin dhacdadan amaba kulankoodan, ninkiina waa uu aqbalay.

Ninkii waa iska soo tagay isaga oo aan meel kale ku leexan ayuu waxa uu si deg deg ah ugu soo laabtay Xaruntii Madaxtooyada ee (Villa Somalia) isagoo si aad ah u walwalaya, marba wax istusaya, waxuu istusay ayaa waxaa kamid ahaa sida uu sheegay, ma iskaga tagtaa dalka oo dhan mise nimankan waad ka dhuumataa oo dib dambeba magaalada adeeg ha uga doonanin, Ninkii waxuu go’aan ku gaaray inuusan dib dambe magaalada u aadin oo uu ku ekaado xarunta (Villa Somalia) banaanba uu cag dambe dhigin. waa sida uu u dhigay’e

Waxaa la gaaray dhamaadki bisha iyo Mushaar qaadashadi Ninkii ayaa waxa uu soo galay safkii xafiiska shaqaalaha mushaarka ka qaadanayeen suu safki ugu jiray ayaa waxaa lasoo gaaray markii uu qaadan lahaa mushaarka, waxa uuna isa soo hortaagay ninkii bixinayay lacagta waxaana alga saxiixay warqadi inuu qaatay lacagta waxaana ku qorneed inuu mushaar u qaatay $300 oo doolar waana laga saxiixay, ninkii oo farxad ay wejigiisa ka muuqata ayaa ninkii ka saxiixay warqada waxa uu usoo taagay $150 doolar, ninkii ayaa qeeyliyay oo yiri musharakeeyga waa $300 oo doolar waa maxay $150 ee aad isiineeyso $300 baadba iga saxiixdaye?

Ninkii xafiiska fadhiyay baa intuu soo kacay oo soo wareegay waxa uu gacanta qabtay Ninkii waxuuna afkiisa usoo dhaweeyay dhagtiisa waxuuna ku yiri soo balan maadan galin inaad mushaarkaaga Nus siinayso Mujaahidiinta? Ninkii odayga ahaa baa waxaa ku baryay waaga waxuuna si hal haleel ah ugu jawaabay Haa Haa waa runtaa waan siiyay nus mushaarkeyga Mujaahidiinta ee iga goo waad saxan tahayee xafiiskii ayuu hal haleel uga soo baxay.

Ninkan dhacdadan ku dhacday ayaa isagoo aan meel kale ku leexan waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay raadshayna siduu uga bixi lahaa dalka oo dhan maadaama aysan jirin meel uu u baxsado oo hartay, dadaal badan kadibna waxaa u suuragashay inuu gabi ahaan isaga soo hayaamo dalka Soomaaliya isagoo hadda ku sugan mid kamid ah wadamada Horumaray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com