Xog Culus: Rag Ka Badan 50 Nin Oo Baneeyay Aagagi Laga Soo Weeraray Madaxtooyada.

0

Muqdisho (AGGM): Dhacdadii maantey ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxay aheyd shirqool laga soo maleegey Madaxtooyada gudaheeda rag madax sare ahna ku lug lahaayeen iyo koox madaxtooyada ka shaqeyo

30 daqiiqo kahor inta aysan weeraradii is xigey dhicin waxaa dhacdey arin weeyn rag ka badan 50 nin oo Soomaali iyo Ajaanib u badan in taleefanadooda fariin loogu soo direy labadii aag ee Madaxtoyada laga soo weerareyayna ay baneeyeen.

Waxaa kaloo jirey Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tukan jirey masaajidka Madaxtooyada Salaada Jimcaha inuusan ku sugneyn Masaajidka oo uusan salaadi Jimce soo xaadirin, haddaba maxaa kulan siiyey intaas oo shirqool ah waxaa ku naf waayey weerarka AUN tee Agaasimihi Xafiiska R/wasaaraha Maxamuud Xirsi Cabdulle Indhocase Oo Dhaawac Soo Gaaray U Geriyooday iyo xubin amaanka madaxtoyada kamid aha aun Cabdiraxmaan Dheel Diiriye (YANTAAR) iyo Gen. Nuur Shirboow oo horey u soo noqday taliye ku xigeenka Nabadsugida.

Raggii shirqoolkaas abaabuley hadii meesha dowlad kajirto waa in lasoo qabtaa maxkamadna lasoo taagaa waa in baaritaan cad dowladu si deg deg ah u sameysaa inkastoo aan looga baran ilaa hada.

Hadii shirqoolkaan Raggii ka dambeyey ay dowladdu soo qaban weeydo ragga shirqoolkan ku nafwaayey dad beey ka dhasheen waana loo aari doonaa arintaan waa la ogyahey in rag gudaha madaxtoyada kamid ah oo Saraakiil iyo Agaasimeyaal isugu jira ay ka dambeyeen hadii dowladdu arintaas ka madax banaan tahey waa inaan aragnaa in cadaalada la horkeeno dambiilayaalka falkaan guracan ka dambeeyey.

fadeexad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com