War Deg Deg Ah: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Agaasimihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamuud Xirsi Cabdulle Indhacase Oo Geeriyooday.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Allaha u naxariistee Agaasimihii Xafiiska Ra’iisulWasaaraha Allaha U Naxariistee  Maxamuud Xirsi Cabdulle Indhacase uu Geeriyooday kadib dhaawac kasoo gaaray weerar iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Madaxtooyada.

Warkan ayaa sidoo kale waxa uu sheeyaa in qaraxan uu isna ku geeriyooday allaha u naxariistee Yantaar Faarax Dheel oo kamid ah ciidamada amaanka.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Wasiiro iyo Xildhibaano ay ku dhaawacmeen weerarkan qaar kalena ku geeriyoodeen waloow aysan jirin warar faah faahsan ama xaqiijinaya warkaas.

Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay Dhamaan inti ku geeriyootay weerarkan waxuushnimada ah eheladooda u direysaa dhambaal tacsiyeed, Waxaa kale oo aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dadka geeriyooday  Janatul Fardowza ka wraabiyo, dadka ku dhaawacmayna waxaan Allaah Subaxaanahu Waacaalaa uga baryaynaa inuu siiyo caafimaad sariico ah. Aamiin Aamiin Aamiin

Indhacase

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com