War Cusub Daawo Sawirada: Faarax Cabdulqaadir (Farax Topaz) Oo Shir Gudoominayay Shirki Golaha Wasiirada Ee Shalay.

0

Muqdisho (AGGM): Kulankii khamiislaha ee maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha.

Inkastoo Ra’iisul wasaaraha iyo kuxigeenkiisa ay safar dibada ugu maqan yihiin, ayaa hadana Mr Faarax C/qaadir waxaa uu sidaa ku noqday Ku sime, maadaama uu yahay Wasiirka Garsoorka oo ah ninkii ugu sareeyay Garsoorka dalka.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Wasiiro kala duwan, kuwaasoo soo gudbiyay qorshe howleedkooda, waxaana sidoo kale looga hadlay arrimaha ammaanka.

Sidoo kale waxaa shirka waxaa wasaarada Maaliyada ay soo bandhigtay qaabkii canshuuraadka berriga loo qaadi lahaa, waxaana dood dheer kadib la isla gartay in dib loogu celiyo, si mar kale Goluhu uga sii doodo, una ansixiyo.

Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay tirada shaqaalaha rayidka, waxaana qaar ka mid ah wasaaradaha ay soo jeediyeen in tirada shaqaalaha wasaaradaha u diiwaan geshan ay aad u tira badan yihiin, ayna soo shaqo tagto tiro aad u yar.

Isku soo wada duuboo markaan eegno arrintan ayaan waxaan oran karnaa oo qura dadka iyo dalka Soomaaliya Allaha bad baadiyo.

wasiir10 wasiir9 wasiir8 wasiir6 wasiir5 wasiir4 wasiir2 wasiir1 wasiir wasiir11 wasiir7 wasiir3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com