Top News: Danjire Mahamat Saleh Annadif Oo Cambaareeyay Weerarkii Madaxtooyada.

0

Muqdisho (AGGM):Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ay al-Shabaab ku qaadday xarunta madaxtooyada qaranka, Villa Somalia, ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjir Mahamat Saleh Annadif ayaa muuqaal la soo dhigay barta Facebook-ga AMISOM ku sheegay in weerarkii maanta uu ahaa mid halis badan.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in weerarka lugu qaaday dad Muslimiin ah oo ku hawlanaa gudashada waajibaadka Alle, isagoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku ammaanay jawaabta geesinimada leh ee ay ka bixiyeen weerarka.

Annadif ayaa ka codsaday shacabka inay ciidamada kala shaqeeyaan dedaallada lugu cirib tirayo al-Shabaab.
Dhowr iyo toban qof oo ay ku jiraan agaasimihii xafiiska ra’iisul wasaaraha, Maxamed Xirsi Cabdulle (Indha-case) iyo taliye ku-xigeenkii hore ee nabadsugidda qaranka, Jeneraal Nuur Shirbow ayaa ku dhintay weerarkii maanta.

Wasiirka amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay inay madaxtooyada soo weerareen 9 ka tirsanaa al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay toogteen, marka laga reebo labo isku qarxisay albaabka madaxtooyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com