Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas Oo Ka Tacsiyeeyay Weerarkii Madaxtooyada.

0

Garoowe (AGGM): Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo cambaareeyn u jeediyay ciddii ka dambeysay.

Gaas ayaa caafimaad u rajeeyay dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarka, wuxuuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.

Madaxweynaha Puntland oo ayaa sidoo kale khadka teleefonka tacsi gaar ah ugu gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dareenka naxdinta leh ee uu ka qaaday weerarkii maanta lagu dilay dadka aan waxba galabsan.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay deeqdo nabad ku timaada wada-hadal iyo is af-garad, isla markaana aanu xalka ku jirin argagixiso iyo dhiig Soomaaliyeed oo la daadiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com