Wasiirka Amniga “weerarka ay madaxtooyada argagixisadu ku soo qaadeen waa uu fashilmay”.

0

Muqdisho (AGGM): Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar naf lacaarinimo ah oo ay Argagixisadu isku dayeen in ay ku soo qaadaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay ciidammada Qaranka fashiliyeen maanta.

“maleeshiyaad naf lacaarfi ah oo nabad diidka ka tirsan ayaa Qarax fashilmay ka geystay dhabarka dambe ee ilinka madaxtooyada, hasa yeeshee ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa khaarajiyey dhammaan maleeshiyaadkii falkaasi ku kacay, xaaladda hadda aad ayeey u degan tahay, shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay isdajiyaan isla markaana ay gacan siiyaan ciidammada amniga Qaranka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka Amniga Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidammada Military-ga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Soomaaliya in ay si adag uga hortageen malleeshiyaad kooban oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay in ay damabacsanaayeen argagixinta madaxtooyada.

Dhanka kale xaaladda guud ahaan aagga uu ka dhacay qaraxa ay ka hortageen ciidammada dowladda Soomaaliya ee madaxtooyada ayaa degan, waxaana caadi ah isu socodka gaadiidka iyo shacabka Soomaaliyeed ee degan agagaarraha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com