Top News: UNHCR Oo Ku Dhawaaqday Deegaannada Ammaanka Ee Lagu Celin Karo Qaxootiga Soomaalida.

0

Nairobi (AGGM): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ku dhawaaqday maanta deegaannada ammaanka ah ee koonfurta Soomaaliya ee ay ku noqon karaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ee doonayo in ay dalka ku laabtaan.

Madaxa UNHCR ee Kenya Raouf Mazou oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in wada-tashiyo ay dhinacyo kala duwan la yeesheen kaddib ay ku ogaadeen in goobaha nabdoon ee lagu celin karo qaxootiga Soomaalida ay yihiin magaalooyinka Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mazou ayaa sheegay in saddexdaas goobood ay ka jirto nabadgelyo, marka loo eego deegaannada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in ciddii dooneysa in ay dalka dib ugu laabato ay ka caawinayaan in ay deegaannadaas aadaan.

UNHCR waxay sheegtay in qaxooti ay ikhyaar u leeyihiin goobaha ay tagayaan, laakiin kaliya ay iyagu gargaar ku bixinayaan in dadku ay ku laabtaan magaalooyinkaas.

Qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaalida ayuu sheegay in uu ku dhacayo si iskood ay dadku u laabanayaan oo aanan la khasbi karin, kaasoo qaadan doona muddo sanado ah.

Tan iyo sanadkii hore ayuu madaxda UNHCR ee Kenya sheegay in ay jirto hoos u dhac ku yimid tirada qaxootiga Soomaalida, iyadoo tiro yar oo ka mid ah qaxootiga ay go’aansadeen in ay dib u laabtaan.

Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda UNHCR ayaa bishii November gaaray heshiis lagu celinayo nus malyuun qaxooti Soomaali ah oo ku jira xeryaha Dhadhaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com