Daawo Sawirada:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan hordhac ah la qaatay Madaxweyne Yuweri Musaveni , lana kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Tanzania.

0

Kampala (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iskana waraystay horumarka laga gaaray amaanka dalka Soomaaliya iyo xusul-duubka ay Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska dawladnimo .

“Waxaan marka hore uga mahadcelinayaa dalka Uganda sida ay ugu gurmadeen shacabka Soomaaliyeed iyo sugidda amniga, Uganda waxaa ay hormuud u tahay howlgalka AMISOM iyo nabadda ka jirta meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya, waa dalka go’aansaday in ay na caawiyaan xilli ay Soomaaliya u baahnayd in laga hortago khatarta ay maleegayaan Nabad-diidka ka hor-istaagay bulshada horumarka iyo nolosha ay shacabku u baahan yihiin.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yuweri Musaveni ayaa isna yiri : “ Waxaan aad ugu faraxsanahay in aad soo booqato dalka Uganda oo markasta ay ka go’antahay in ay caawiyaan walaalohooda Soomaaliyeed, waxaana sii wadi doonnaa ka qaybgalka xasiloonida dalka Soomaaliya iyo in ay aan dawladda ka taageerno wax kasta oo aan awoodno.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Uganda ayaa kulan saacado badan qaadanaya barrito ku yeelan doona magaalada Kampala iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada iyo ka qayb-qaadashada tayayna hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaruha Soomaaliya ayaa Kampala kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Tanzania Mudane Kgalema Motlanthe. Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee labada dal ka dhaxaysa, Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu uga mahadceliyay kaalinta ay Tanzania ka qaadato in ay arimaha Soomaaliya uga dhex ololayso kulamada ay isugu yimaadaan Midawga Africa.

Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri : “ Waxaan xoojinaynaa in Soomaaliya ay noqoto goob xasiloon oo u istaagta horumarka dalka iyo kan gobolka, waxyaabo badan ayaa labada dawladood ka dhexeeya, waana iska kaashanaynaa horumarka labada dal ee walaalaha ah”.

“Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sugidda amniga iyo caawinta dadka Soomaaliyeed oo u baahan adeegyada bulshada. Tanzania waa ay idin garab istaagi doontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dalka Tanzania.

IMG_8019

IMG_8022

IMG_8054 IMG_8048

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Kampala – Uganda
+256750230189
E: Media@opm.gov.so
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com