Top News: QM oo Al-shabaab ku eedeysan in Gar-gaarka ay is hortaagaan

0

Agaasimaha howlaha xafiiska QM ugu qaabilsan arimaha bini aadannimo OCHA John Kenij ayaa sheegay in xarakada Al-shabaab oo weli degaano balaaran oo Somalia gacanta ku haysa ay sii wado carqaladeenta gargaarka bini aadanimo ee loogu talagalay barakacayaasha ay sameynta ku yeelatay abarihii kol hore ku dhuftay Somalia.

Masuulkaasi Qm oo shir jaraaid ah ku qabtay xarunta QM ee Newyork ayaa ka digay qatarta sii socoshada dhibaatada bini aadanimo ee Somalia ku baahaya,waxana uu shaca ka qaday in dadka barakacayasha ah eek u barakacay gudaha dalka ay gaaren 1-milion oo qof halka ay kuwa kalana ay gaaren wadamada jaarka la ah Somalia,waxa uu sidoo kale sheegay in ku dhawaad 857kun oo Somalia ah ay wajahayaan dhibato dhanka cuni yarida ah.

Masuulkaasi u hadlay QM ayaa sheegay in tiradaasi lasoo saaray ay fariin u tahay beesha calamka oo loogu muujinayo in wadciga Somalia hada uu yahay mid quus taagan hadii aan l dar dar galin gargarka bini aadani ay noqon doonto sanadkaani in dhibaatada cuni yarida ka taagan dalka ay sii baahdo.

Kenij agaasimaha xafiiska QM ee arimaha bini aadanimo u qaabilsan oo todobaadkii hore soo booqday Somalia ayaa ugu baaqay deeq bixiyaasha in ay bixiyaan gar gaarkii ay ugu talagaleen shacabka Somalia.

Ugu danbeentii masuulkaasi ayaa shegay in tageradii QM ee Somalia e sanadkanai ugu talagashay oo gaaraya 933milion dolarka Mareykanka laga bixiyay kaliya %4.

Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com