Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto.

0

Nairobi (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay maanta Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mudane William Ruto, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay dawladda Kenya gacan uga gaysan lahayd qorshaha Xukuummadda Soomaaliya ee soo celinta amniga iyo dib u dhiska hay’adaha Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa isla afgartay sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed ee labada dawladood isla markaana gacan adag loogu qaban lahaa kooxaha Argagixisada ee khatarta ku ah guud ahaan gobolka. Waxaa kaloo laga wada hadlay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo sidii ay labada dawladood ay u yeelan lahaayeen xiriir joogta ah iyo iskaashi ku dhisan dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool oo horay loogu heshiiyay in dib loogu celiyo Soomaaliya.

“Waa maalin aan isla afgarannay in aan sii xoojinno xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaan isla garannay in aan si dhow u wada shaqayno isla markaana aan kor u qaadno amniga gobolka maadaama argagixisado ay tahay khatar dhibaato ku ah gobolka iyo caalamka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlayay shir Jaraa’id oo si wada jir ah ay u qabteen isaga iyo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane William Ruto.

“ Kenya waxaa ay horay ugu istaagtay in ay Soomaaliya ka caawiso dib-u-heshiisiinta xiligii uu socday shirkii Mbagathi ee Kenya lagu qabtay 2002-2004, sidoo kale waxaa ay aad usoo dhoweeyeen dadkeena Soomaaliyeed. Waxaa kaloo aan isla garannay in xilligan ay Kenya ka qayb qaadan doonto dib u dhiska hay’adaha Dawladeed.” Ayuu markale yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto oo isna Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa yiri: “ Waxaan u hambalyeeynayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo mustaqbal dhanka horumarka ah muujinaysa. Labada dawladood ee walaalaha ah waxaa ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo kan amni ee gobolka.

Waxaan xaqiijinayaa in Kenya ay ka go’antahay in ay la shaqayso Soomaaliya, dhowaanna waxaan howlgalin doonaa Safaaradda aan ku leenahay dalka Soomaaliya. Waxaan ka qayb qaadan doonnaa xasilinta dalka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ay kala kaashanayaan Dawladda Soomaaliya iyo Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamanka Kenya Mudane Justin Muturi isagoo kadibna soo booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi.

IMG_7774

IMG_7890

IMG_7914

_MG_2001

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda
Nairobi – Kenya
E: Media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com