Top News: Afhayeenka Barre Hiiraale”Hadan la joojin ugaarsiga lagu hayo Shacabka Beesha Sade ee Kismaayo anaguna hebeenkii ayaan ka ugaarsanayna Kismaayo”

0

Muqdisho (AGGM): Afhayeenka Col Barre Adan Shire Hiiraale ninka lagu magacaabo Col Xasan Qaasim Warsame oo xalay la hadlayay Idacadaha Muqdisho ayaa waaxaa uu fariin culus u diraya Maamulka Axmed Madoobe hogaanka u yahay.

Col Xasan Qaasim Warsame Afhayeenka Col Barre Adan Shire Hiiraale waxaa uu sheegay in magaalada kismaayo lagu dilay usbuci ugu danbeyay 7 qof oo ka soo jeeda beesha Sade kuwaas oo sabab saday taageerada ay u hayaan Dowlada Somalia.

“Dadka lagu Xasuuqay Kismaayo oo uu ugu danbeyay Engeneer Baashi oo shaqo muhiim ah u hayay bulshada Gobolada Jubboyinka ku dhaqan ma ahayn dad Siyaasada ku lug lahaa balse waxaa lo laayay waa asal sifeyn balse waxaan u sheegay Axmed Madoobe in dadkaan u ilahay dhulkan ku aburay aysana macquul ahaayn in ay si sahlan uga dhamadan” ayu yiri Col Xasan Qaasim Warsame.

Afhayeenka oo dhanka kale ka hadlaya talaabada ay ka qadayaan hadi ay dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo beesha sii socdaan ayaa waxaa uu yiri.

“Hadi ay sii socdan dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo shacabka Kismaayo waxaanu balan qadaynaa in aan anagana dhankeena habeyn walba Ciidamo soo galin doono kismaayo kuwaas oo guryahooda ku ugaarsan doona dadka ka danbeya ugaarsiga Shacabka Kismaayo iyo kuwa ku faraxsanba” ayu yiri Col Xasan Qaasim Warsame.

Ugu danbeyn Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in ay dhawaan si rasmi ah ugu soo laban doonan Kismaayo ayna shacabka Kismaayo ka dulqaadi doonan culays ay ku hayso Raskambooni.

Maxamed Nuur jenyo
Muqdisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com