Irhaab Looma Naxo,Shacabkaa Loo Naxaa,Saxafadda Qaarkeed Baroor Diiq Ku Jirta

0

alaaki-257x300Kismaayo(AGGM) Sida aan la wada socono waxa gudaha magaalada Kismaayo si bareer ah loogu toogtey Maxamuud Muxumed Nuur Alaak kuna magac dheeraa Ciise Kaambooni,Waxaana dilkiisa fuliyey wiil uu adeer uu ahaa isla markaasna ka tirsanaa Argagixisada Calamiga ee Alshabaab.

Marxuumkaas dilkiisa ka dib waxaa Magaalada kismaayo si bareer ah loogu toogtey dad shacab ah oo ay ku jiraan qaar ka mid ah eheladda Wiilka dilka fuliyey iyo kuwo kale oo shacab ah isla markaasna ka soo jeeda degaanada Jubooyinka,waxaana dilkaasi la shaaciyey inay fuliyeen Maleeshiyaadka Raaskambooni ee asalkoodu ka soo jeedo Argagixisada laga soo daabulay degaanada Gaarisa Gubaay & Kilinka 5aad .

Maxamuud Muxumed Nuur Alaak kuna magac dheeraa Ciise Kaambooni waxaa uu ahaa Argagixiye calami ah isla markaasna hadda ka hor ciidamada dawladda kiiniya u dhiibeen wadamada Reer Galbeedka isagoo ka soo laacay xabsi mudo laba sano ah,waxaana uu ka mid ahaa saraakishii ururadii argagixisada ahaa ee ka dagaalamayey dalka soomaaliya.

Ciise Kambooni waxaa intii uu kismaayo ku sugnaa lagu xasuustaa Xasuuqa iyo barakacinta shacabka soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana sidoo kale uu jirdil baahsan u gaystey boqolaal shacab ah oo ku dhaqan Magaalada Kismaayo kuwaasi oo qaarkood dhibaatadii uu geystey u naafoobaay.

Dilkiisa ka dib Magaalada Kismaayo ma jiraan cid ka naxday,waxaana shacabku hadal haynta dilkiisa ku soo koobeen aamusnaan,waxaana magaalada la soo dhoobay Maleeshiyaad ka soo jeeda Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay kuwaasi oo ah kuwo dhibaato lixaadleh ku haya shacabka aan waxba galabsan.

Waxaa damiirka wanaagsan shacabka soomaaliyeed ee dawladnimada jecel siinayaa inaysan maanta u baroor diiqin Irhaab ku baxay gacan kale oo Irhaab isla markaasna waxaa cadaan ku ah in kooxaha Argagixisada ahi wax kasta oo ay maleegaan iyagu isku soo celinayaan.

Dhinaca kale warbaahino la baxay magaca degaanada Jubooyinka ayaa sameynaya baroor diiq iyo booto kuwaasi oo ay ku hadaqayaan hadallo ka dhan ah beelaha dega Jubooyinka Iyo Gedo. Warbaahinaha oo aad ka dheehan karto inaysan ehel u ahayn saxafad waxay shaacinayana cidda dilka fulisay hadana waxay sheegayaan wax kale oo yaab leh iska markaasna beelaha soomaalida ah lagu aflagaadeynayo.

Ugu dambeyntii Warbaahinta far hunguriga ah ee laga soo dabaacayo Xeryaha Qaxootiga Gaarisa Guubaay & Kilinka 5-aad ayaa ah kuwo aan lahayn hab dhaqan saxafadeed isla markaasna xero qaxooti ku bartay qaabka loo qoro far soomaaliga iyadoo aad ka dheehan karto qaabka dulinimada ah ee ay u qorayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com