Top News:Ciise Kambooni Lama Aasin,Maxay Tahay Sababtu?

0

Kismaayo(AGGM) Waxaan wali la aasin Taliyihii Nabad sugidda Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni kaasi oo ay xalay dileen Xarakada Alshabaab isla markaasna waxaa la shaaciyey inuu dilkiisa fuliyey Wiil uu adeer uu ahaa horena uga soo goostey Xarakada Alshabab & kooxo kale oo ka tirsanaa Alshabaab.

Marxuumkan ayaa meydkiisu hadda yaala Xarunta Maleeshiyo Beeleedka Raaskamboni ee lagu tilmaamo Madaxtooyadda,waxaana la sheegaya in ciidamada Mareykanka ee xeebaha dalka soomaaliya ku sugan ku war galiyeen ciidamada dawlada Kiiniya inaan ninkaasi la aasin isla markaasna ay baaritaano ku samaynayaan jirkiisa.

Ciidamada Badda Mareykanka oo Saaran Diyaaradaha Helicopterska ayaa ku soo dagay Magaalada Kismaayo kuwaasi oo si toos ah ugu gudbay Xarunta Madaxtooyada ee Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay Qalin ku sameynayaan isla markaasna kala baxayaan CHIP ay jirkiisa dhexdiisa gashadeen.

Ciidamada Mareykanka oo gacan buuxda ka halaya kuwa dawlada Kiiniya ayaa sanadkii 2010 gudaha Magaalada Nairobi ka qabteen Ciise Maxamed Alaaki ( Ciise Kambooni ) isla markaasna ayu qaateen dhinaca Jasiiradda Guantanama Bay,waxaana halkaasi uu ku xirnaa mudo laba sano ah.Waxaana ay xabsiga ka soo daayeen sanadkii 2012.

Mareykanka ayaa la sheegay inay jirkiisa dhex galiyeen CHIP ay kula soconayaan dhaq dhaqaaqiisa & hawlaha kooxaha Argagixisada ah,waxaana la sheegaya in bishii laba jeer laga shuban jirey wixii warbixino muhiim ah ee ku soo dhaca CHIP kaasi isagoo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya,waxaan CHIP kaasi sahali jirey inay la socdaan meesha uu marayo iyo Telefoonadda ku hadlayo.

Waxaa la sheegay in Marka Data laga shubanayo uu Ciise Kambooni uu xanunsan jirey isla markaasna uu caadi ku soo laaban jirey marka laga dhameysto xogta jirkiisa ku soo dhacaysa,waxaana la sheegayaa in la kulmi jirey caafimaado darro baahsan laba jeer bishii.

Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in maanta la aaso ka dib marka ciidamada mareykanka ay jirkiisa kala baxaan qalabkii ay galiyeen,waxaana la sheegayaa in talaabadaasi tahay mid ay aad ula yaabeen dadka ku dhaqan gudaha iyo dibedda Soomaaliya,Waxana lagu wadaa in saacadaha soo socda la duugo marxuumkaasi.

alaaki-257x300

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com